Thursday, December 15, 2011

Warbixinta Mashruuca Cusub ee Fikrad Dhiibashada - Update in Somali. See previous post for the English version.


Mashruucan fikrad dhiibashada ee ka faa’iidaystayaasha iyo Hay’adda DRC mashaariicdeeda kala duduwani ku kala warqaataan wuxuu si toosa u bilaabmay 1dii bisha Semtember 2011ka, markaas oo uu shaqadda bilaabey isku xidhaha mashruucu.
Wajiga hore ee mashruucan oo tijaabo ahi wuxuu ka hoos shaqayndoona meelaha ay ka socdaan mashaariicda DRC gaar ahaan mashruuca loo yaqaano CDRD. Halkii ugu horaysay ee mashruucan fikrad dhiibashada ee ka faa’iidaystayaasha lagu tijaabiyey waxay ahayd degmadda Ceel-Afwayn ee gobolka Sanaag, Soomaaliland. Go’aanka lagu qaatay in mashruucan fikrad dhiibashada lagu tijaabiyo halkaas waxay tahay in dadka degen deegaanka Ceel-Afwayn ee ka faa’iidaysta mashruuca CDRD ay yihiin dad si fiican u degan isla markaana inta baddan adeegsadda aaladda mobilka taas oo awood u siinaysa in ay jawaab celin ku samayn karaan qaabka fikrad dhiibashada.
Iyadoo marka mashruucu si fiican u dhaqaaqana lagu baahin doono dhammaanba goboladda kale ee Somaliland, Putland iyo koonfurta Somalia ilaa iyo December. Marka la gaadho February 2012, wajiga saddexaad ee tijaabadu waxay ka bilaabmi doontaa Muqdisho halkaas oo lagu tijaabin doono ka faa’iidaystayaasha qoysas ka mid ah kuwa hela lacag taakulayn ah, oo ka mid ah mashaaricda cusub ee DRC.
Qorshaha tijaabo ee habkani wuxuu ahaa in la bilaabo bishii October, laakiin ma suurto galin, maxaa yeelay waxaa cilad farsamo ku timid telefooka kaas oo lagu isticmaalaayey moobil maxali ah, isaga oo marka uu fariinta ka helo ka faa’iidaystayaasha si toosa ugu xidhmaaya gudbiyaha Ushahidi platform. Oo isna ku sii xidhan mareegta mashruucan oo ah: htt://somcdrd.org/geo/dashboard
Fariinta marka la helo waxaa la dhigi doonaa qaybta dadwaynaha ee dashboard-ka. Si kastooy tahay safarkii aanu ku tagnay Ceel-Afwayn wuxuu ku soo beegmay iyadoo aanu noo shaqaynaynin telefoon-ku oo uu naga ciladaysnaa waxaanu isku daynay in aanu isticmaalno moobilka ee caadiga ah.
Safarkani wuxuu naga caawiyey in aanu ka dareen qaadano sida ay ka faa’iidaystayaashu uga faa’iidaystaan mashaariicda DRC, qaabka ay u maamulaan deeqda la siiyo iyo in ay soo dhawaynay donaan mashruucan cusub ee fikrad dhiibashada. Iyo hadduu telefoonka si fiican uga shaqeeyo goobahooda iyo in kale.
Cilladda farsamo ee uu shaqayn waayey telefoonku waxay sababtay in dib loo dhigo mashruuca in loo gudbiyo Muqdishu taariikhda markay ahayd 13/11/2011ka, waxay dib ugu dhacday ilaa iyo bisha labaad ee 2012ka.
Waxaanu qaadanay Management Information System Officer, kaas oo bilaabi doona shaqadda 19th December, 2011ka. Dib u dhacyadan yaryari awgeed waxaanu goaansannay in aanu xoogga saarno kaliya mashruuca CDRD ka faa’iidaystayaashiisa ku nool Somaaliland iyo Putland ilaa iyo dhammaadka sanadka 2011ka.
Safarkii tijaabinta fariinta gaaban ee Ceel-afwayn.
Mashruuca la yidhaahdo CDRD  wuxuu ka socdaa in ka badan 17 tuulo oo ay ka mid tahay magaaladda Ceel-Afwayn, iyo agagaarkeeda kuwaas oo hoos yimaada degmada Ceel-Afwayn ee gobolka Sanaag. Ceel-Afwayn gudaheeda waxaanu ka dooranay 4 tuulo, maxaa yeelay waxaa ay ku kala duwan yihiin mashaariicyada CDRD ee ka socda, tuulo kastana waxaay leedahay networka heerar kala xoogan. Waxaanu go’aansanay in ay tuulooyinkaasi yihiin meelaha ku haboon oon mashruuca aan kaga ogaan karno siduu u shaqayn doono iyo ciladaha ka imaan kara.
Safarkan  aanu ku kaga bilaabnay mashruuca degmada Ceel-Afwayn wuxuu dhacay 4tii bishii October ilaa iyo 11 keedii, 2011ka.  Waxaana la booqday meelaha hoos ku qoran:

1.    Ceel-Afwayn, oo la aas aasay sannadkii 1940kii waxaana ku nool dad gaadhaaya ilaa iyo 9600 ruux.
2.    Tuulladda Godcaanood, oo la aas aasay sannadkii 1960kii waxaana ku nool dad gaadhaaya ilaa iyo 2100 qof.
3.    Tuulladda Kal-sheekh, oo la aas aasay sannadkii 1959kii waxaana ku nool dad gaadhaaya ilaa 1800 ruux.
4.    Tuullaadda Beerwayso, oo la aas aasay sannadkii 19978kii waxaana ku nool dad gaadhaaya 1650 qof.
5.    Tuulladda Gal iyo Qac, oo la aas aasay sannadkii 2004 waxaana ku nool dad gaadhaaya ilaa iyo 1500 qof.
Ujeedada Safarka
Ujeedada safarkan wuxuu ahaa in la wargaliyo loona sharaxo ka faa’iidaystayaasha ahmiyadda uu u leeyahay mashruucan  cusub iyo in iskaashi lagala sameeyo sidii ay fikradooda u soo diri lahaayeen isla markaana ay dhexdooda isku wargalinlahaayeen in ay isticmaalaan habkan, si loo ogaado awooda ay u leeyihiin in ay hay’adda xidhiidh la soo sameeyaan iyo haddiiba ay jiraan caqabado xagga networka ahi kuwaas oo saamayn ku yeelan kara mashruucan inta uu socdo.
Si loo ogaado habka mashruuca fikrad dhiibashada uu u shaqayn doonto, waxaa la doortay ka faa’iidaystayaal kala duwan, sida iskuuladda wax laga qabtay, kuwa suuliyadda loo dhisay, kuwa loo sameeyey gacannadda waraabka beeraha, kuwa taangiyadda iyo baraagaha biyaha loo sameeyey, iyo dumaradda laga caawiyey dhaqaale abuurka “gaar ahaan dumarka loo abuuray ganacsiga yaryar”, kuwa loo qaybiyey qalabka beeraha iyo ka faa’iidaystayaasha kale sida gudida horumarinta bulshadda iyo gudida horumarinta xaafaddaha.
Ugu horayn waxaaan booqanay ka faa’iidaystayaasha taangiga biyaha ee loo dhisay magaaladda Ceel-Afwayn, isbarasho ka dib gaar ahaan dumarka waxaan ogaanay in aanay badankoodu waxna qorin waxna akhrin taas oo aan u suurto galin karin in ay fariin noo soo diraan ayagoon la caawin.
Nasiib wanaag intii aan booqashadda ku gudda jirnay waxaan la kulanay dumarka ka faa’iidaystayaasha qaarkood oo ay caruurtoodu casharadii iskuulka ee laylisyada ka shaqaynayaan, markii aanu waydiinay in ay caruurtu hooyadood ka caawin karaan fariin dirista, waxay noo balan qaadeen in ay ka caawin doonaan hooyooyinkood oo ay fariinta soo diridoonaan la xidhiidha saamaynta ay wixii loo qabtay noloshooda ku yeelatay.
Arrintani waxay fikir fiican naga siisay in aanu howshan la kaashan karno ciyaal iskuulka, macalimiinta iyo maamulayaasha dugsiyada si ay qayb uga noqdaan cidda naga caawinaysa socod siinta barnaamijka iyagoo lagala xidhiidhi doono ka faa’iidaystayaasha kale ee hoos yimaada magaalada Ceel-Afwayn.
Waxaa kale oo aanu la kulanay ardayda iskuulaadka Ceel-Afweyn oon kala hadalnay fikradan ah inay ardada iyo hooyooyinka iska kaashadaan habka fikrad dhiibashada iyo inay ayaga naftooda noo soo diraan fikradooda ku saabsan sida dhisitaanka iskuulaadka, berkadaha iyo suuliyada noloshoodu u saamaysay. Ardaydu waxay inoo sheegeen inay ka qayb qaadan donaan mashruuca oyna caawin doonaan waalidiintooda. Si doo kale waxaanu waydiisanay macalimiinta, maamulayaasha iyo ardayduba in ay noo noqdaan cidda ay la xidhiidhayaan ka faa’iidaystayaashu haddii ay wax qoris ama diris u baahdaan cid ka caawisa iyo wixii la mida.
Inkastoo ilaa hadda aanu helnay fariimo aan badnayn oo ka timid ka faa’iidaystayaasha mashruuca CDRD, haddana waxaanu ku rajo waynahay in ka dib markaan dabagal ku samayno sababta aan ilaa iyo hadda loo soo dirin fariimo badan, ogaanana hadday caqabado dhaqaale haystaan iyo inkale, in fariimo badan naloo soo diri doono.
Waxaa kale oo howshan tijaabada ah ku lamaan shabakada dadwaynaha oo aanu ugu talo galnay in cidda xubnaha nagala ah howsha aanu wadno, sida hay’addaha gargaarka caalamiga ah, dadwaynaha iyo cidii la mida, in aanu ku wadaagno wixii casharo iyo khibradda ee aanu ka barano howshan fikrad dhiibashada ka faa’iidaystayaasha.

Waxaananu leenahay Blog, Facebook, Twitter iyo Website kuwaasoo dhammaan ku xidhan GPS map oo ku tusaya meelkasta oo ay mashaariicdu ka socdaan, cidii u baahana ay nagala socon karaan waxqabadku kolba halka uu maraayo.
Facebook: http://www.facebook.com/SomCDRD
Twitter:http://twitter.com/#!/DRCSomalia
Website:http://somcdrd.org/home/

Waxaa la soo daabacay: Arbaca, 23 kii November 2011
Faadumo Cabdulahi - Communications Officer for Accountability, Danish Refugee Council
Translated by: Cabdirahman Cabdilahi Muse
MIS Officer for Accountability - DRC Somalia

No comments:

Post a Comment